Wax badan ayaa isbeddelay intii dugsiyada la xidhay ama loo wareegay fasallo la adeegsanayo internetka si loo yareeyo fiditaanka koroonofayras (COVID-19). Caruurtu waxay joogaan guriga, macallimiintu waxay wax qorsheynayaan ama wax dhigayaan iyaga oo jooga meel fog, waxana ay waalidku maareynayaan shaqo iyo jadwalo isbeddelaya. Xaaladahan iyo caadooyinkan isbeddelaya waxay culays dheeraad ah saarayaan carruurta iyo dadka waaweynba. Taasi waa sababta ay kooxda Allina Health Powered Kids ay shuraakadayada ugu soo darayaan xidho daryeel oo adeegsanaysa kombiyuutarka! Kani waa tilmaan-bixin ka dhigaysa carruurtaada kuwo faraxsan oo caafimaad qaba fasal ahaan iyo qoys ahaan.

 

Tababarasho Fiican:

Isdejinta habeen kaliya laguma gaadho – waxay u baahan tahay tababarasho. Waxa jira farsamooyin badan oo kala duwan oo kaa gargaaraya in laga hortago oo la yareeyo giigsanaanta iyo walaaca – dadkuna way ku kala duwan yihiin waxa u shaqeynaya. Tijaabi tababarkayaga kala duwan haddii ad haysatid hal daqiiqo ama laba saacaddood.

 

Waraaqo Shaqeyn oo u Fiirsasho Leh:

Ma aha in waraaqaha shaqeynta macnahoodu yahay shaqo! Tijaabi mid ka mid ah waraaqahayaga midabeynta si ad u faaruqisid madaxaaga ama tijaabi waraaq shaqeyn oo u fiirsasho leh si ad isticmaashid tababarka u fiirsashada ee la hagayo.

  • Waraaqaha midabeynta
  • U Fiirsasho
    • Saddex Wax oo Fiican
      • Wakhti isa sii ad ku qortid saddex wax oo fiican oo dhacaya maalin kasta muddo ah laba todobaad si ad aragtid wax ad ogaatid.
    • Waraaqda Shaqeynta ee Mahadnaqa
      • Ma ku jeedisay giigsanaan ama walaac? Is deji si ad ugu fiirsatid waxyaabaha ad ka mahadcelinaysid oo ad u aragtid faraqa taasi sameynayso.
    • La-socdaha Hurdada
      • Waxyaabo badan ayaa ka baxsan xukunkeena. Wax ka baro caadooyinka hurdadaada inta ad tijaabisid la-socdahan oo arag wixii ah isbeddelo ee ad rabtid si ad u bilawdid inad dareentid si ka fiican sidii hore.
    • Abuur Xaaladda Ad Rabtid 
      • Maxaa ku giijinaya ama walaac kuu keenaya? Iska saar oo dib u abuur maskax ahaan.

 

Fiidiyowyo

  • Waxa annu haynaa urur fiidiyowyo ah oo fiican oo kugu hagaya firfircooni kala duwan. Dhammaan fiidiyowyada

 

Adeegyo Dheeraad ah: